Barxadda San Carlo ee magaalada Torino ee dalkaasi Talyaaniga ayaa waxaa xalay lagu dur-duriyay in ka badan 400 oo ruux kaddib markii la maqlay wax qarax u ekaa oo dadkii goobta ku sugnaa ay is jiireen.
Khalkhalka ayaa yimid kaddib markii dhallinyaro ay ku dhex qarxiyeen baaruud gudaha khalkhigii u daawanayay ciyaartii finalka koobka horyaalka Yurub ee Champion League oo xalay ay kasoo hoysay guul kooxda Real Madriid.