Kooxda Real Madrid ayaa taariikh cusub u dhigtay kooxaha Yurub kadib markii ay 4:1 ku xasuuqday kooxda Juventus waxaana Real Madrid noqotay kooxdii ugu horaysay ee koobka UEFA Champions League-ga difaacatay iyadoo kulankan uu laba gool ka dhaliyay Cristiano Ronaldo oo isna dhiniciisa taariikh cusub dhigay.
Bilawgii ciyaarta Juventus ayaa dardar fiican ku bilaabtay waxayna walal ku abuurtay Real Madrid oo aan markiiba si fiican iskugu dhex helin garoonka, iyagoo khasaariyey fursado ay goolal ku dhalin kareen.