Faah faahin: Dagaal Xalay ka dhacay Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Sh/Hoose…
Dec 27, 2017 -
Comments off
Waxaa warar dheerad laga helayaa gudaha Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose ka dib dagaalo xaley ka dhacey Magaalada.
Waxaa saaki xaalad deganaasho ah laga dareemayaa goobihii xaley lagu dagaalamay. Waxaa saaki dib u furmey goobihii ganacsiga sida Waacuneynaa Waacabeynaa oo dhacda koonfurta Magaalada Marka iyo Suuqa Ayuub oo iyana dhacda Bariga Magaalada Marka.
Warar hoose oo ay heleyso shabakada Muurinews Press ayaa kuso waramaya in xaalada gudaha Magaalada Marka laga dareemayo xaalad isku dhac ah oo soo food saartey Maleeshiyadka ku bahowey dhac hantida ku dhaqan Magaalada Marka.
Waxaa guud ahaanba degan xaalada Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.