Wararka naga soo gaadhaya Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in lagu arkay degmada arin ay layaabeen dadka deegaanka.
Goob Ganacsi oo ku dhaw Kawaanka Malaayga degmada ayaa laga helay meydka qof Karfan lagaliyay oo lagu aasay Qolka makiinad ku taala Xamarweyne, Dadka iska leh guriga ayaa dayactir goobta utagay, waxeyna arkeen meydka marada Cad lagaliyay.
Xoghayaha Guud ee Degmada Xamarweyne Maxamed Qeys ayaa sheegay in 4 qof ay usoo qabteen Kiiskan, haatana ay Su’aalo weydiinayaan laamaha amniga, Dadka la soo qabtay ayuu sheegay iney ku jiraan Qofka guriga laga kireystay, Labo ka shaqeyneysay Makiinada.
Degmada Xamarweyne ayuu sheegay iney ku cusubtahay arintan, dadka deegaanka ayaa argagax ka Muujiyay in qof inta la dilay hadana Maro lagaliyay Misana la aaso.
Dadka lahayo ayuu sheegay iney Cadaalada horgeynayaan si loogu qaado danbigooda haduu ku cadaado, Waxa uu Xoghaye Qeys ka gaabsaday inuu kala cadeeyo Rag ama Dumar waxa uu yahay qofka meydkiisa la soo saaray.