Wararka ka imaanaya airportka ADAN ADE Mugadisho aya sheegaya in maanta xili uu kaduulayey wafdi balaaran oo uu horkacaayo madaxameynaha dowlada fedralka Soomaaliya Maxamed Farmaajo laga hor istaagey madaxweynaha Maamulka Konfur Galbeed Soomaaliya Shariif xasan in uu kamid noqodo xubnaha wafdiga madaweynaha uu horkacaayo.
arintan ayaa ka danbeysey kadib markii shariif xasan habeenkii xaley ahaa ee sabtida uu utagay madaxeyne Farmaajo isaga oo kacodsanayey in uu kamid noqodo wafdiga uraacaya.
ilo kudhowdhow Villa Soomaalia Ayaa Sheegaya in Madaxweyne Farmaajo aanu umuujin diidmo iyo ogolaansho midna arintaas oo Shariif Xasan u qaatey in uu madaxweynaha ka aqbaley codsigiisa wuxuuna maanta isku soo diyaariyey shariif Sakiin in uu kamid noqodo wafdiga wuxuuna soo galey airport ADEN ADE qeybta VIPga isagoona ahaa qofkii ugu horeeyey wafdiga ee so gala airportka
Kadibna waxaa soo gaarey wafdiga oo dhan waxaana uu kamid noqodey shariif xasan dhoorkii qof ugu horeysey ee diyaarada fuusha lakin qadar daqiiqado kadib ayaa waxaa soo galey diyaarada, ilaalada gaarka ah ee madaxweyne farmaajo waxaana layeeriyey magaciisa kadibna waxey usheegeen in uu kasoo dego diyaarada wuxuuna weydiiyey sababta ciidanka ayaana usheegey in uusan kujirin magaciisa liiska wafdiga sidaa darteedna amar uqabin ayaga in uu raaco wafdiga shaqsi aan kamid aheen, shariif xasan ayaa kadhega adeegey arintaas una sheegey ciidankii in uu madaxweynaha og yahay safarkiisa isla markaasna uu yahay masuulka qaran .
Dood iyo muran dheer kadib ayaa waxaa dib ulaabtey askatii waxaana daqiiqado kadib diyaarada soo fuuley sarkaal kadirsan ilaalada qaaska ah ee farmaajo oo wata 3 askari oo hubeysan wuxuuna dul istaaga kursigii shariif xasan wuxuuna ku yiri mudane wafdiga kamid matihid sidaas darteed adigoo raali ah soo deg, shariif xasan ayaa ku doodey in hadii uu arintaa ogyahay madaxweyne Farmaajo madaxeynaha lasoo hadlo balse waxaa arintaa diidey sarkaalkii isgoona usheegey in uu kasoo dego si sharaf leh kana codanaayo in uu ku gacansiiyo shaqadiisa maadama uu yahay masuul qaran.
Hool wadeenadii diyaarada ayaa kuwar geliyey in waqtigii diyaarada lajooga wuxuuna sarkaalkii ku qasbanaadey in uu istaajiyo shariif xasan sheekh aadan kadibna waxaa laga soo dejiyey diyaaradii markuu soodey ayaa waxaa raali geliyey sarkaalkii oo sheegey in ay amar ku qabaan arintaan shariif xasan oo careysan ayaa gaarigii lagu qaadi lahaa dalbadey wuxuuna galabta ilaa caawa shirkuleeyahay hotel SYL mogadisho isagoona hada lasheegaayo in lala heshiisiiyey wasiir dowlihii hor arimaha dibabada ee KHaalid
waxaana goordhow idin soo gudbin doonaa khaalid iyo dhibkuu ugeestey konfur gabeed,