Madaxweynaha Soomaaliya oo safar dhanka dhulka ah ku maraya deegaano ka tirsan Puntland ayaa Boqor Burhaan oo ah Boqorka Beelaha Daarood ka guddoomay Faras, bilad iyo go’ shaal ah. Waa hadyad qaali ah oo boqortooyadu ugu talo gashay Madaxweynaha.
Boqorka Burhan ayaa sheegay in Haddiyadan ay ka tarjumeyso sida madaxweynaha ugu heelan yahay nabad ku soo dabaalida Gayiga Soomaaliya iyo baadi goobka isku soo dhaweynta Beelaha Soomaaliyeed oo uu ku jiro.
Sidoo kale,Boqor Burham ayaa Hadiyado ay qeyb ka yihiin dhar dhaqameedka Soomaaliya ku wareejiyay Siyaasi Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah siyaasiyiinta madaxweynaha safarka ku wehlinaya.
Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa ayaa maanta gaaray degmada Qardho ee Gobolka Karkaar.