Warar si hoose ay u heshay Muurinews.com ayaa xaqiijinaya in AMISOM ay arrin ad u xujo ah ag dhigtay dowladda Federaalka Soomaaliya oo dooneysay in la qaado howlgal ballaaran oo ka dhan ah Al-shabaab.
Waxay tilmaameen in ciidankooda xuquuq badan ka maqan tahay, sidoo kalena aanu hadda qorshaha ugu jirin in la weeraro deegaanno cusub oo Al-shabaab dalka kaga sugan yihiin.
Howlgalkaii DFS ee Al-shabaab ayaa hadda u muqda mid dhicisoobay, maadaama AMISOM ay cudurdaar aan caadi ahayn keentay.