Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan Xasaasi ah kula qaatay Magaalada Muqdisho Danjiraha Q/M Uqaabilsan Arimaha Soomaaliya Micheal Keating.
Kheyre ayaa sheegay in Thabit uu wado iska hor keenida Beelaha Deggan Xamar oo ah Caasimad dadka kawada dhaxeyso.
Khilaafka udhaxeeya Thabit iyo Kheyre ayaa waayahaan soo jiitamayey taasi oo keentay in labada Mas’uul ay Xaalad Culus soo food saarto dhinaca Shaqada Dawlada.
Keating oo ka hadlay Arinta Maqaamka Muqdisho waxa uu sheegay in hadda aan loo baahneyn ka hadalkeeda oo howlo badan ka horeeyaan sida uu warka udhigay.
Warbaahinta Muurinews.com ayaa heshay Khabar ah in Kheyre uu ku dacweeyey Madaxweynaha thabit Cabdi islamarkaana Keating uu Farmaajo ka dalbaday xal ka gaarista Khilaafka soo kordhay.