Warbaahinta ku hadasha afka Ururka Al-shabaab ayaa baahisay codadka iyo sawirada askar ay sheegtay Al-shabaab iney dhankooda isku soo dhiibeen kuwaa oo kamid ahaa ciidamada maamulka jubaland gaar ahaan ciidamada ku sugan Aaga deegaanka Buulo gaduud ee duleedka magaalada Kismaayo.
Sarakiisha ciidamada Maamulka Jubaland oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday iney ka war bixiyaan askartaan sadaxda ah ee Ururka Al-shabaab sheegteen iney isku soo dhiibeen.