Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wasiirkii hore ee Warfaafinta soomaaliya u magacabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Eng C/raxmaan Yariisow.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Iyo Ku Xigeennadiisa.
Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo)
Markuu arkay soo jeedinta Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka& Dib-u-heshiisiinta;
Markuu wadatashi la sameeyey, islamarkaasna dhageystey talooyinka Ra’iisulWasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya;
Madaxweyahu waxuu shaqsiyaadka hoose u magacaabay xilalka kala ah:
• Mudane Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Benaadir Ahna Duqa Muqdisho;
• Maxamed Cabdullaahi Maxamed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasada;
• Hussein Mohamed Nur waxaa loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Maamulka & Maaliyada;
• Marwo Basma Omar Ahmed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada & Wacyigelinta
• Aadan Sheikh Cali Fidow waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Howlaha Guud
• Xoghayaha Guud waxaa loo magacaabay Cumar Abdirisaak Xuseen Omar Abdirizak Hussein
Wasiirka ayaa xilka wasiirnimo ka degay iyadoo taas bedelkeed uu qabanayo xilka Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana xilka wasiirnimo loo magacaabayaa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo ay isku beel yihiin Guddoomiye Taabit Cabdi Maxamed.
Arrintan ayaa timid iyadoo xiisad siyaasadeed ay hareysay maamulka Gobolka Banaadir, xafiiska Ra’iisal wasaaraha iyo Madaxtooyada, waxaana xaaladu kasii dartay kadib markii xalay xarunta Gobolka Banaadir la shaaciyey in lagu doortay Taabit Cabdi Maxamed xilka uu hore u hayay muddo 2 sano ah.