Siyaasiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la aaminsan yahay inay wada yeesheen Kulan saacado qaatay.
Labada Mas’uul oo saaxiib ku ahaa Siyaasada ilaa Asmara wakhtigii Isbaheysiga Dib Uxoreynta Soomaaliya ayaa waxa hadda la iska xog wareystay Siyaasada Dalka iyo halka ay mareyso.
Kulankooda oo ahaa mid Qadka taleefoonka Saacado ku yeesheen Labada Mas’uul ayaa waxay dejiyeen Qorshe lagu unkayo Dallad ama Isbaheysi aan la dareemeyn.
Waxa la tilmaamayaa in la is garab dhigay magacyo dhowr ah si Farmaajo loogu noqdo qof khaladkiisa si sax ah loogu sheego.
Ilo ku dhaw Labada Shariif ayaa warbaahinta usheegay in kulan dambe lagu ballamay waxaana macquul ah in Isbaheysigaasi lagu soo daro Qawaamuur Siyaasada Waayahaan ka aamusnaa.