Waxaa Magaalada Jiddah ee Dalka Sacudi carabiya lagu qaban Doonaa Maalinta Jimcada ah 2/02/2018 Sacada 04:00 pm ama 05:00pm Shirweyne looga hadlaayo aaya ka talinta Beesha Biimaal, waxaa kaloo halkaa ka hadli doona Aqoonyahano, Siyaasiyiin, Culumaa’udiin, Haween iyo Dhalinyaro. Waxaa diirada lagu saari doonaa Shirka sidii loo badbaadin lahaa Deegaanada Beeshaasi.
Shir weynahan ayaa waxaa qabanqabadisa iyo isku duba ridkiiisaba leh Mudane Ismaaciile Xaaji Ibraahim (Ismaacile Jeego) oo ah isku dubaha Jaaliyada ku dhaqan Dalka Sacuudi Carabia.
Shirkan ayaa ka dhici doono guriga Gudoomiyaha Jaaliyada Dalka Sacuudi Carabia Aweys Macalin Macow.
Shirka waxuu dhici doonaa maalinita jimcada ah ee nagu soo aadan waxa ka horeeyey shirkaan shir dib u heshiined ahaa oo lagu gogol xaarayey shirkan.
Shir weynahan oo wadatashiga ah ayaa loogu hadli doona Aayaha Jaaliyada iyo wax ka qabashada Gobolka Shabeelaha Hoose.
Aweys Macalin Macow gudoomiyaha Jaaliyada Sacuudi Carabia ee kasoo jeeda Shabeelaha Hoose ayaa loogu fadhiyaa in kasoo saaro qodobo wax ku ool ah.
Waxaa dhamaan la ogeysiinayaa Jaaliyada ku dhaqan Dalka Sacuudi Carabia waxaa sharaf inoo ah inaad nagala soo qeyb gashid shirweynaha wadatashiga ah oo ka dhici doono dalka Sacuudi carabi Guriga gudoomiyaha Aweys Macalin Macow.
Wixii kusoo kordha qaban qaabada shirkan waxaa toos ugala socon kartaa Muurinews.com.