Waxaa Maanta Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose lagu soo gabagabeeyey Ciyaar maalmahan soconayey oo uu so agaasimey Gudoomiye Yariisow.
kooxo badan oo kulamo soo wada Ciyaarey iyo is reebreeb ka dib waxay guusha ku raacdey Kooxda Muslim handa oo 4-0 ugu badisey kooxda Star(Ex Buulo Jaan).
Axmed Macalin oo ahaa oo towbaraha Kooxda Muslim hands ayaa si wanaagsan loo gudoonsiyey waxaana goob joog ka ahaa Gudoomiye Yariisow.
koobka oo la magac baxey Rajo soo celin ayaa waxaa caawa la hoyatey kooxda Muslim hands.
Gudoomiye Yariisow ayaa noqdey gudoomiyihii ugu waxqabadka badnaa ee soo mara Magaalada Marka Cadeey ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.
waxaa amaan iyo bogaadin mudan gudoomiye Maxamed Cusmaan Cali Yariisow oo inta badan ku shaqeeya daruufo adag.
Maxamed Cusmaan Cali Yariisow Gudoomiyaha ruuxiga ah oo ay u baahan tahay bulshadiisa Gudoomiye Howl wacan waxaadna qabatey howlo ku dayasho mudan.