Siyaasi Salaad Cali Jeele oo wareysi Bixiyey ayaa Dowladda Soomaaliya ugu baaqay in Xaiirka loo jaro Dowladda Imaaraadka Carabta, Wuxuuna sheegay in imaaraadka uu ku soo xadgudbay Soomaaliya.
“Dawladda Soomaaliya Waajib ayaa ka saaran Guud ahaanba Dalka, Hantida Soomaali ka dhaxaysa waxaa Masuul ka ah Dawladda Dhexe, Dekedda Berbera waa deked Soomaaliyeed oo lagu dhisay Hantida Shacabka Soomaaliyeed “ Ayuu yiri.
“Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sheegay “Waxay ku dhaqaaqeen Arin Sharci darro ah, Waa in Tallaabo ku Haboon laga Qaado, Imaaraadku wuxuu ku Xadgudbay Xoriyada iyo Madaxbaanaanida Soomaaliya”