Xildhibaanada iyo Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Federalka Somalia ee kasoo jeeda G/Sh/Hoose ayaa maanta Farxada Ciidul-Fidriga awgeed dharka ciida ugu farxiyay Boqol caruur Agooman ah oo ku Dhaqan Xeryaha Barakacayaasha ee Duleedka Magaalada Muqdishu, Xildhibaanadan oo ay hor Kacayeen Xil.Waziir Sheekh Nuur Maxamed Xasan, Xil Aamino Sheekh Cusman Maxamed, Agaasime Cabdi Jamaal iyo Drs.Warda Cabdiraxmaan ayaa dharka ugu deeqay Boqolaal caruur oo agooman ah ee ku dhaqan xeryaha qaxootiga ee ku yaala duleedka Magaalada Muqdishu.
Deeqadan dharka Ciida ah ayaa aheyd mid ay Barkacayaasha ay aad usoo dhoweeyeen kuna tilmaameen mid waqtigii loo baahnaa lasoo gaarsiiyay, ayagoona si weyn ugu mahadceliyay xildhibaanadii iyo mas’uuliyiintii soo gaarsiiyay.
Caruurtan Agoonta ah ee ku dhaqan xeryahaasi ayaa tiradoo guud ahaan aheyd 100 caruur ah 51 Gabdhood iyo 49 Wiilal ah oo dhamaantooda farxada ciida maanta si weyn ugula qeyb qaatay caruurta kale ee asaagooda ah, ayadoo ay wejiyadooda ka muuqatay farxad iyo reyn-reyn laga dheehan karay markii ay heleen dharka loogu tala galay inay ku ciidaan.
Sidoo kale waalindiinta caruutan qaarkood ayaa dhankooda ka mahad celiyay, ayagoo ku tilmaaday farxad lama iloobaan ah oo ay la qeybsadeen bulshada inteeda kale.
Xildhibaanada iyo mas’uuliyiinta ayaa balan qaaday inay sii wadi doonaan kaalmada ay mar walba la garab taagan yihiin walaalahooda tabaableysan ee xeryaha qaxootiga ku nool si dhowna ula socon doonaan baahiyadooda halkaasi ka jirta.
Tallaabadan Ay Qaadeen mas’uuliyiinta kasoo jeeda Gobolka Shabeelada hoose ayaa ah tallaabi ku daysha mudan oo lagu dhiir geliyey Caruur Agooman ah oo waalidiinta koriimadooda ay ku adkeyd in ay ciidsiiyaan.