Wafdiga uu hoggaaminayo Raiisul wasaaraha Itobiya Abiy Axmed oo goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa haatan kulamo kula leh madaxtooyada Soomaaliya madaxda sare ee dalka.
Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa waxay kulankooda kaga hadlayaan arrimo ay kamid yihiin iskaashiga labada dowladooda,xoojinta xiriika ku dhisan iskaashiga labada dhinaca.
Wafddiga Raiisul wasaaraha Itoobiya waxaa kamid ah Wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Itoobiya.