araakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in in kabadan 60 ka tirsan maleeshiyada al-Shabaab lagu dilay duqeyn lagula eegtay inta u dhaxeysa Baar-sanguuni iyo buundada Araare ee gobolka Jubbada Hoose.
Maleeshiyada duqeynta lagu dilay ayaa qeyb ka ahaa maleeshiyooyin badan oo saaka waabarigii weerar culus ku qaaday saldhig ciidamada federaalka iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin xerada Baar Sanguuni oo qiyaastii 50 dhinaca waqooyi kaga began magaalada Kismaayo