Wararka aynu ka heleyno Degmada Afgooye ayaa sheegaya in ay halkaasi ka socdaan Howlgalo Xoogan oo ay ka wadaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya, Howlgalkaas oo soo bilaawday Xalay ayaa illaa iyo Hadda ka socda Degmadaasi, Howlgalkan ayaa imaanaya ka dib markii Xalay lagu dilay degmada Afgooye Oday ka mid ahaa Ergadii wax ka soo xushay Barlamaanka Soomaaliya,
Dilkan ayaa dhacay xalay fiidnimadii, iyadoona ay dilkan ka dambeeyeen Kooxo hubeysan oo Toogasho ku dilay Oday Dhaqameedkaas oo horay uga tirsanaa Ergadii Wax ka soo xushay Baarlamaanka Soomaaliya, Dilkan ayaa dhacay ka dib markii uu ka soo baxay Salaadii Cishaha isla markaana ay toogteen Kooxaha Hubeysnaa, Isagoona Magaciisa lagu sheegay Oday dhaqameedka Xayeesi Mursal,
Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa ku raad jooga cida dilkan ka dambeysan Iyadoona Xalay ilaa iyo Saake ay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ay ka wadaan Baaritaano Xoogan.