Magaalada Hargaysa shalay waxaa lagu xiray 30 hooyooyin ah, Hooyooyinkaan ayaa ka cabanayay ilmo kaga xiran Dalka Libya. Ayyagoo wata boorar ay cabashadooda ku muujinayaan ayaa mar qura waxaa uyimid Ciidanka Booliska Somaliland, ayyagoo dhamaantoodba Xabsiga utaxaabay.
Dawladda Soomaaliya ayaa isla markiiba ka jawaabtay cabsahada hooyooyinkaa, Amb Cali fiqi oo si gaar ah Dawladda Soomaaliya ay ugu xilsaartay soo celinta Soomaalida Libya ku dhibaataysan ayaa ku dhawaaqay in ay Dawladda Soomaaliya ku mashquulsantahay soo celinta dhalinyarada ka maqan hooyooyinka Hargaysa ka cabtay, Ali Fiqi ayaa ugu bishaareeyay Hooyooyinkaa in 23-ka wiil ee ku xiran Xabsiga Misrata ay 5-ta bishaan dib dalka loogu soo celinayo.
Dawladda Soomaaliya waxay durba ka jawabtay cabshadii hooyooyinka reer Hargaysa, halka Maamulka Somaliland uu cabashadii hooyooyinka ugu jawaabay xabsi iyo ciqaab.
Arintaan ayaa waji gabax weyn ku noqonaya Maamulka Muuse Biixi Cabdi.