C/raxmaan Maxamed Muunye oo ahaa Taliyihii hoggaaminyaya howlgalka bishii hore ee April Shabaab looga qabsaday deegaanada Sabiib iyo Caanoole, ayaa lagu sameeyay xil ka qaadis.
Taliyaha Xoogga dalka Jenaraal Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe, ayaa la sheegay in Taliyaha uu amray inuu deg deg ugu soo laabto magaalada Muqdisho, iyadoo ay xigtay in farta laga saaray warqada xil ka qaadistiisa.
Warqada xil ka qaadista ayaa ku cad inuu amar la’aan deegaan Shabaab sanado ay heysteen uu weerar ku qaaday, sidaasna uga qabsaday deegaanka, iyadoo loo cadeeyay in xiligan aan loo baahneyn in Shabaab weeraro lagu ekeeyo balse ay tahay Ciidanka iney is difaac ku jiraan oo kaliya.
Dhamme C/raxmaan Maxamed Muunye, ayaa la yaabay talaabada Taliska Ciidanka Xoogga dalka, wuxuuna deg deg ula xiriiray Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage oo ah Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga dalka, wuxuuna u sheegay in arinta ay ka socoto dhinaca Villa Somaliya sidey tahayna uu u qaato.
Sarkaalkan oo wax ku soo bartay dalka Suudaan, ayaa deg deg ula xiriiray Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre, wuxuuna u sheegay sida loola dhaqmay iyo niyad jabka ay arintaas ku keeni karto hamiga Saraakiisha dhalinyarada ah ee ku jirta Ciidamada Xoogga dalka.
Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo, ayaa u muuqata mid aan diyaar u eheyn in Shabaab laga saaro dalka, iyadoo Farmaajo baarlamaanka ka hor sheegay inuu laba sano ku soo afjari doono Shabaab, balse waxa ay xaalada ku noqotay in Kontoroolada laga galo madaxtooyada ee Seydka, kan Ceel Gaabta iyo midka Tiyaatarka Qaanka ay noqdaan kuwo ay Shabaab waxey doonaan ka sameystaan.