Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Laftagareen ayaa hadda gaaray Magaalada Garoowe ee Dawlad Goboleedka Puntland.
Cabdicasiis Maxamed Laftagareen ayaa ka qayb galaya Shirka Magaalada Garoowe birri ka furmaya.
Waxaa gagida diyaaradaha Garoowe kusoo dhaweeyay Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Dani.
Waxaa iyyagana Magaalada Garoowe maanta kusoo fool leh Madaxwaynayaasha Dawlad Goboleedyada dalka.
Warbaahinta Muurinews waxay daqiiqad daqiiqad idinla socodsiinaysaa Shirka Dawladda Federalka ah iyo Maamul Goboleedyada maalinta birri ah uga furmaya Magaalada Garoowe.