Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya ayaa ku dheggan gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamuud Xuseen Muungaab,kasoo ay u jeediyeen eedeymo ay ka mid yihiin amar-diido iyo quursi.
Mudanayaasha ayaa ka dalbaday guddoonka sare in Muungaab uu horyimaada golaha,si loola xisaabtamo su’aalo ku saabsan gbolka Banaadir-na loo weydiiyo.
Muungaab ayaa awood sare ku leh caasimadda Muqdisho,waana nin si madax banaan u shaqeeya marka ay timaado arimaha gobolka,taas waxaa ka biyo diidsan qaar ka mid ah mudanayaasha Barlamaanka dalka.
Baaqan xildhibaanada ayaa ku soo aadaya xilli gudomoomiye Muungaab uu safar shaqo u joogo dalka Kenya,isagoo halkaas kula kulmay dhigiisa gobolka Nairobi Evans Kidero.
BAAQA XILDHIBAANADA AY U KEEDIYEEN MUUNGAAB