madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta gaaray degamda Doolow ee gobolka Gedo.Wafdiga madoobe ayaa waxaa kamid ahaa wasiirka arrimaha amniga gudaha ee Jubbaland Maxamed Faarax Warsame Darwiish gudoomiyaha gobolka Jubbada Dhexe Cabdirashiid Jire iyo sarakiil Ciidan.Doolow waxaa wafdigan kaga horeeyay oo kusoo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Korneyl Cabaas Gureey oo kamid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee gobolka Gedo. Sidoo kale shacab aad u tirro badan oo wata calanka Soomaaliya iyo kan Jubbaland ayaa si diiran Doolow ugu soo dhaweeyay wafdiga Axmed Madoobe ee maanta gaaray degmada Doolow.
Wafdigan ayaa ujeedkiisa ah in uu tego degmada Baardhere oo dhawaan laga saaray dagaal-yahanada Al-Shabaab waxaana lagu wada in ay sameeyaan maamul heer gobol ilaa heer dagmo Gobolka Gedo. |
||
· |