Gabar u dhalatay dalka Jarmalka ayaa waxaa la sheegay inay dhibaato baaxad weyn ay ku heysato xerada qaxootiga Dhadhaab ee dalkaas Kenya ka dib markii ay ka soo qaxday magaalada Kismaayo iyadoona gabadhaas ay cunsurinimo ay ku hayaan Soomaalida kale ee kula jirto xeradaas qaxootiga.
Gabadhaan Jarmalka ah oo oo lagu magacaabo Viena oo la sheegay inay hooyadeedna ay tahay qof Mareykan ah ayaa waxaa ay sheegtay inay ku dhibaateysan tahay xerada qaxootiga Dhadhaab, Gabadhaan ayaa waxay sheegtay inay ku adkaatey inay ku noolaato nolosha xerada qaxootiga maadaama ay dhibaato weyn ku hayaan Soomaalida kale ee ku jirta xeradaas Qaxootiga iyadoona ay arintaas ay keentay in gabadhaas la dejiyo meel gaar u ah oo ka gooni ah qaxootiga kale ee ku jira Xeradaas.