Korneyl Cismaan Cilmi Guure (Cukaasha) oo ka mid ah Saraakiisha Militariga Somaliya, ayaa waxa uu isku dhiibay Xafiiska Qaramada Midoobe Ee Somaliya (UNSOM), oo ku dhex yaala Garoonka Aadan Cadde.
Sarkaalkan, ayaa bishii October lagu xiray Magaalada Muqdisho, waxaana xabsiga laga soo sii daayay bartamihii sanadkan. Xarigiisu wuxuu ka dambeeyay markii uu Gabay qiiro badan ka sameeyay Taliyaha Ciidanka Militariga Somaliya, General Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe).
Gabaygan oo la magac-baxay (Fariin Qaran), ayaa ahaa mid ka hadlaayay musuq maasuqa baahsan ee ka dhex jira Taliska Militariga. Gabaygu wuxuu noqday mid si weyn u soo jiita dhegaha iyo dareenka bulshada Somaliyeed.