Qarax xoogan ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Caasimada u ah Dalka Afgaanistaan iyadoo qaraxa uu ahaa mid xoogiisa laga maqlay meelo kala duwan.
Degmada Shah Shaheed ayuuna qaraxa ka dhacay Saaka oo Jimco aheyd waxaana ku dhintay 10 ruux iyadoona 400 kale ku dhaawacmeen.
Warbxiin warbaahinta Dalka Afgaanistaan baahiyeen ayaa waxay tebiyeen dadka dhaawacmay qaarkood dhiig bax badan ku dhacay dhiigna loo baahan.
Cusbitaalka Ibnu Siinaa ee Magaalada Kabul ku yaalla ayaa waxa la sheegay in dad badan oo dhaawacyo culus qaba halkaasi la jiifiyey.
Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada Qaraxaasi waxaase loo maleenayaa Dhismaha Dawlada ee la weeraray inay ka dambeeyeen kooxda Daalibaan.