Wararka saaka ka imaanaya Magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose aya sheegaya in dagaal khasaaro geystay oo Ciidamada deegaanka iyo mooryaan Xiran dharka dowladda federalka ah ee soomalia kuwaasoo caadaystay in ay gaystaan xadgudubyo kadhan ah xuquuqda aadanaha iyo .dilal,dhac,kufsi iyo boob hantiyeed
Dagaalkaan ayaa wuxuu ka dhacay xaafada loo yaqaan buulo jaan iyo buufow ilaa duleyka ee Magaalada Marka, wuxuuna dhacay shalay maqribkii, iyadoo saaka Magalada Marka laga maqlaayo rasaas teel teel ah oo Ciidanka deegaanka iyo Mooryaanta duulaanka ah isweydaarsanayaan.
Dagaalkii shalay maqribkii dhacay ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, ugu yaraan saddex ka mid ah dhinacyada dagaalka dhexmaray ayaa halkaasi ku dhintay, sidoo kale waxaa jira dhaawacyo ka dhashay dagaalka.
Xaafada buufow iyo buulojaan ilaa duleydka Magaalada Marka, ayaa saaka oo Sabti ah waxaa laga maqlayaa rasaas goos goos ah oo dhinacyada halkasi ku sugan ay isku weydaarsanayaan.
Xaalad kacsanaan ah ayaa saaka ka jirta Magaalada Marka, dadka deegaanka waxa ay dareemayaan walaac ku aadan dagaalka dib u soo cusboonaaday.
waxii warar ah oo nagu soo kordha dib ayaan idnka soo shegi donaa
Kala Soco Warar Sugan muurinews.com