Waxaa Magaalada Baydhobo, ee xarunta Gobolka Baay ka soconaya soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo mudo dib u dhacyo ku yimid.
Odayaasha Dhaqanka Beelaha Digil iyo Mirifle iyo Biimal ayaa ku kulamaya Baydhobo, waxayna kawada doodayaan sidii Beelahaasi u qeybsan lahaayeen Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed, oo ka kooban Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose. balse waxa manta garay magalada Baydhabo wasiirka Arimaha Gudaha Somalia C/raxmaan Max’ed Xusen Odowaa asigoo u jedkiisu yahay in ow ka dhaa dhiciyo odayash dhaqanka ee ka soo jeedo sedaxda
gobol in loogu daro tiro xildhiwano ah
Howsha soo xulista Xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu wadaa in Mudo Bil ah lagu soo gaba-gabeeyo, kahor inta uusan Maamulkaasi u guurin Xaruuntiisa Caasimadda u ah ee Baraawe, sida ku cad Dastuurka Maamulkaasi.
Odayaasha ku Sugan magaalada baydhabo ayaa qaarkood waxaa ay ka Soo Horjeedaan hanaanka loo Soo Xulayo Xildhibaanada baarlamaanka Maamulkaasi.