Shil gaari oo ka dhacay wadada u dhaxaysa Hargaysa iyo Berbera ayaa waxaa ku geeriyooday Marxuum Xildhibaan Mustafe Axmed Cabdilaahi Xoolow oo ka tirsanaa Golaha Degaanka Berbera.
Xildhibaanka geeriyooday ayaa shilkani ku dhacay barqadii saaka waxaana ku wehelinaayay safarka Xaaskisa iyo ilmo yar oo uu dhalay.
Shilalka gadiidka ayaa si weyn kor ugu kacay deegaanada Somaliland taasii xanuun badan ku haysa bulshada.