Wakiilka Qaramada Midoobay Soomaaliya u qaabilsan Nicholas Kay ayaan la waydiiyey Maanta ka maqnaanshiyahii shirkii ka dhacay dhawaan Magaalada Muqdisho Maamulada Jubbaland iyo Puntland waxa uu muujin karo,Xili uu Wareysi Siinayey Radio Goobjooge,ee Magaalada Muqdisho.
“Waxaaan Isleeyahay in Jubbaland iyo Puntland inay xaqiiqdii sii wadi doonaan geeddi socodka hiigsiga cusub, islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan sidii loo dhisi lahaa Soomaaliya oo mideysan, xoogan, islamarkaana Federalka ah, Madaxwayne Xasan Sh Maxamuud waxa uu sheegay in uu la hadli doono dhammaantood, ayna yihiin qeybo aad muhiim ugu ah Soomaaliya, waxaana uu sheegay Madaxweynaha inuu qaban doono arintaan maalmaha soo aadan iyo Isbuucyada si loo xaliyo arimahaan”ayuu yidhi Nicholas Kay.