Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia C/raxmaan Max’ed Xusen Odowaa iyo wafdi la socda ayaa waxa ay gaareen magaalada Baydhaba ee xarunta Gobalka Bay maanta.
M/weynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aden iyo xubno ka tirsan Wasiiradiisa ayaa garoonka diyaardaha ku soo dhaweeyay Wasiir Odawaa iyadoo oo loo gudbiyay Madaxtooyada KMG ah ee maamulkaasi.
Ujeedada uu Wasiirka u tagay Baydhaba ayaa waxa ay tahay inuu ka dhadhacsiiyo sharif inuu ugu daro Odayaashii soo xuli lahaa Xildhibaanada uu yeelanaayo maamulka Koofur Galbeed ee uu madaxda ka yahay Shariif Xasan.
Shariif Xasan ayaa waxa uu maanta Baydhaba ku kulansiinayay Odayaasha u dhashay Gobolada kala ah Bay,Bakool iyo Sh/hoose si ay u soo xulaan Xildhibaanada la doonayo in maamulkiisa ay ka mid noqdaan.