Weeraradan, ayaa siyaabooyin kala gedisan maanta uga dhacay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, iyadoo ay ku dhinteen ugu yaraan saddex ruux, tiro intaasi ka badana way ku dhaawacantay.
Weerarka hore, ayaa waxaa lagu qaaday Saldhig Boolis, ka dib markii gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu dhuftay Dhismaha Saldhiga.
Ka dib waxaa halkaasi laga maqlay israsaasayn dhex martay Ciidanka Booliska iyo saddex nin oo ku hubeysneyd qoryaha darandooriga u dhaca. Waxaana goobtaasi lagu dilay laba ka mid ah, midkii kalana waxaa loo qaaday goobaha caafimaadka, oo kol dambe uu ugu geeriyooday dhaawac ka soo gaaray iska horimaadkaasi.
Weerarka labaad, ayaa waxaa lagu qaaday Qunsiyadda Mareykanka uu ku lee yahay Magaalada Istanbul. Weerarkan ayaa waxaa soo qaaday laba ruux, iyadoona gacanta lagu dhigay haweeney ka mid ahayd labadaasi ruux, xilli uu dhaawac ka soo gaaray iska horimaad dhex maray Booliska.
Dalka Turkiga, ayaa waxaa toddobaadyadii la soo dhaafay ku soo badanaayay qaraxyada, tan iyo markii uu bilaabay duqeymo ka dhan ah Daacish iyo PKK.
Xukuumadda Ankara, ayaa waxay heegan gelisay laamaheeda amniga, si ay kaga hortaggaan weerarada kaga imaanaaya Ururka Daacish iyo Jabhadda PKK.