Waxaa maanta magaalada Hargeisa Saxaafada kula hadlay Cali Maxamed Warancade wasiirka Arimaha Gudaha maamulka Somaliland, Waxaana Muuqaal Laga duubay Ka hor intaanu La hadlin Warbaahinta uu ku dar-daarmay in CAMARADA Lagu Qabto meesha Dooga ah “Waxaan rabaa Meesha dooga ah, Wejigaygu macno ma leh, Aduunyada waxaynu ka Iibinaynaa in meeshu ay tahay meel Horumartay” Ayuu yidhi.