Waxaa manta magalada caasimada ah ee Muqdisho simanaar Aqoon koroorsi loogu soo Gaba Gabeeyey Maamulka iyo Odayaasha Magalada Marko ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.
Siminaarka ayaa waxaa Labada Dhinaca lagu baraayey Sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen Maamul Wanaaga.
Seminaarka oo soconaayey Mudo sadex(3) Maamlmood ah ayaa waxaa bixinaayey Xubno ka Socdey Gudiga Dib u Heshiisinta Qaranka iyo Hay’ada Tubta Nabada Soomaaliyeed.
Siminaarkan ayaa waxaa soo qaba qaabiyey Gudoomiyaha Degmada Marka ee dhawaan loo magcaabey, Mudane Xasan Cumar Macalin ( Shareeca)iyo ka soo qeyb galay waxaa ka mid ahaa Marti Sharaf kala Duwan iyadoo Xubnihii ka Qeyb galey Siminaarka ay dhamantood balanqaadeen inay xoojin Doonaan Maamul wanaaga iyo wadanoolashaha Bulshada Magalada Marko.
Gudoomiyaha Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo Kulanka ka hadlay ayaa u Mahad Celiyey Mas’uuliyiinta Gudiga Dib u Heshiisinta Qaranka iyo hay’adda Tubta Nabada, sida ay u Dhiiragelinayaan Maamulka iyo Shacabka Magalada Marko