Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay waxaa shalay ka furmay shirka odayaasha dhaqanka ay kusoo xulayaan barlamaanka Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.
Wasiirka Arimaha gudaha ayaa furay shirka, waxaana ka qeyb galay masuuliyiin kale oo DF katirsan, IGAD iyo QM.
Hase ahaatee Muurinews.com ayaa ogaatay inuu jiro xurguf siyaasadeed oo udhaxeeya Dowlada Federaalka iyo Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan taas oo ku aadan soo xulista Golaha Wasiirada.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha DF uu doonayo in Xukumada ay lug weyn ku yeelato Xildhibaanada lasoo xulayo hase ahaatee waxaa arintaas diidan Shariif Xasan.
Mudo 30 maalin gudahood ah ayaa la filayaa in lagu soo dhiso Barlamaanka Koofur Galbeed inkastoo laga yaabo in mudo kordhin loo baahnaado.