Munaasabad balaadhan oo xil wareejin ah, ayaa ka dhacday Degmada Doolow ee Gobolka Gedo. Munaasabadan ayaa waxaa xilka kula wareegay Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Gedo Axemd Buulle Maxamed, isaga oo xilka kala wareegaya Gudoomiyihii hore Maxamed Cabdi Kaliil.Heshiiskii Doolow ka dib tallaabooyinka ugu horeeya ee qorshaysan waxaa ka mid ah, isku shaandhayn lagu sameeyo madaxda gobolka Gedo, taasi oo laga billaabay Gudoomiyaha Gobolka. Axmed Buulle Maxamed (Canjeex) ayaa ahaa duqii hore ee Degmada Luug, ayaa loo magacaabay xilka laga qaaday Gudoomiyihii hore, Kaliil