Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay xabsiga dhigeen saraakiishii DF ee gobolka Gedo, kuwaas oo ka baxay heshiiskii ay la galeen Axmed Madoobe.
Korneyl Aadan Axmed Xersi (Aadan Rufle) oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka Ee Gobolka Gedo, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in maxaabiis ay yihiin Saraakiishii Ciidamada Dowladda iyo Maamulkii Gobolka Gedo ka jirayba.