Warar goordhaw naga soo gaaray xarunta baarlamanka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in mooshinkii Madaxweyne Xasan Sheekh loogu qaadi lahaa codka kalsoonida ah ay aqabaleen guddoonka baarlamanka.
Mooshinkaani ayaa waxa ay Xildhibaanada ula gol-leeyihiin inay kursiga kaga tuuraan Madaxweyne Xassan Sheekh oo isagu iminka isku darsaday waxqabad la’aan iyo hami wakhti kororsi ah, sida ay ku andacoonayaan Xildhibaanada.
Xildhibaanada ayaa mudooyinkaani isku uruursanaayay Hoteelada Magaalada Muqdisho waxa uuna ugu danbeyntii Mooshinka noqday mid galay gacanta Gudoonka sare Baarlamaanka Somalia.
Mudane ka tirsan BF ayaa xaqiijiyay in Mooshinkaasi uu galay gacanta Gudoonka waxa uuna cadeeyay in mirro dhalkiisa uu noqon doono kalsooni kala laabashada Madaxweyne Xassan.
Waxaan gaar u helnay warqaddii mooshinka ee xildhibaanada ay u gudbiyeen guddoonka baarlamanka,
hoos ka eeg.