Garoonka diyaaradaha ee Arlanda magaalada Stockholm ee dalka Sweden ayaa waxaa ka soo degtey diyaarad uu ku soo dhuuntey nin. Diyaaradda ayaa ka soo duushey dalka Itoobiya waxaana ninka laga helay qaybta diyaaraddu ku qaado Boorsooyinka dadka rakaabka ah.
Diyaaradda oo ay lahayd shirkadda Ethiopian Airlines ayaa subaxnimadii maanta oo Sabti ah ka soo degtey garoonka Arlanda sida uu qorey joornaalka Aftonbladet, oo ay Horseed ka soo xigatey.
Ninkan ayaa la sheegay in caafimaadkiisu wanaagsan yahay isla markaana aanu ahay dalxiise ee uu yahy mid doonaya magangelyo siyaasadeed.
Ma cadda qaabka ninkaani ugu soo dhuuntey diyaaradda, Booliskuna waxa ay meesha ka saareen in lagu tuhunsan yahay denbi, waxaana xaaladiisa la wareegtey hay’adda socdaalka ee dalka Sweden.