Gudoomiyaha gobolka Sh/hoose C/qaadir Maxamad Nuur ‘’Siidii’’ ayaa sheegay in Madaxda Qaranka qeybahooda kala duwan ay dhaqan xumo ku hayaan Hoteelada Magaalada Muqdisho xiliyada ay nasiinka u joogaan, sida uu hadalka u dhigay.
Siidii oo nuqulo hadal ah siiyay Idaacada ku hadasha Afka Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee alfurqaan, ayaa sheegay in Madaxda Dowlada ay ka duwan yihiin sida uu ka filaayay, waxa uuna tilmaamay in Hoteelada ay ku tamashleeyaan iyaga oo dayacay amaanadii Qaranka ka saarneyd.
Siidii waxa uu sheegay in Mas’uuliyiintu ay Hoteelada u tagaan si ay wakhtiga isaga lumiyaan, iyaga oo iska dhigaaya kuwo ku mashquulsan howlaha Qaranka marba dhinac u wadayaan gaadiidkooda wadooyinka Magaalada Muqdisho.