C/qaadir Sheekh Xuseen waxa uu ahaa gudoomiye ku xigenkii deeganka Magalada Buulo mareer ee gobolka shabeelaha hoose sida ay xaqiijiyen maamulka degmada Marka shalay ayaa waxa dil loogu geystay Buulo Mareer isla deegankaasi.
Gudoomiyaha cusub ee degmada Marka ee gobolka shabelaha hoose Mudane xasan Cumar macalin oo la hadlay Shabakada Muurinews.com ee magalada muqdisho ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la ilaaliyo xuquuqda shacabka dilkana uusan wanagsanen waxa uuna carabka ku dhuftay in aysan jirin sabab loo dilay gudoomiyihii deeganka Buulo Mareer taasi oo ay iyagu ka maamul ahaan ka warqabin .
Dhanka kale gudoomiyaha waxa aynu weydinay su’aal ahayd sida lagu joojin karo waxyaabaha haatan ka soconayo magaalada marka iyo sababaha uu ugu maqan yahay gudaha degmada marka maadaama uu yahay gudoomiyaha degmada marka ee gobolka shabeelaha hoose.
Qeybo ka mid ah gobolka shabeelaha hoose wili waxaa ka soconayo dagaal beeleedyo kuwaasi oo ay mararka qaar ay ka dhashaan qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac walow ay xusid mudan tahay in maamlinkii shalay deeganka Buulo mareer dil loogu geysttay gudoomiye ku xigenkii degmadasi kaasi oo ilaa iyo haatan aan la ogeen waxyaabaha sababay in gurigiisa lagu dilo