Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Xalay ku Hoyday Degmada Xudur oo Mudi Dhowr Sano ah ku jirtay Go’doon ay ku soo rogeen Xarakada Al-shabaab ayaa Amar ku bixiyay in la furo Wadooyinka u xiran Shabaab ee Gobolka Bakool ka tirsan.
Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kulan la qaaday Saraakiisha AMISOM kuwa Milatariga Soomaaliya iyo Maamulka Degmada ayaa Amray in si deg Deg ah loo furo Degmooyinka Go’doonka ku jira ee Gobolka Bakool.
Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa sidoo kale Shalay Booqasho ku tagay Degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool,waxaana uu sidaa si lamid ah ku baaqay in la Furo wadooyinka Go’doonka ku jira.
Al-shabaab ayaa Go’doomiyay Degmooyin ka tirsan Gobolka Bakool ee Koofur Galbeed Soomaaliya.