Mid ka mid ah dadka ku dhaqan deegaankaasi ayaa sheegaya in shacabka halkaasi ku dhaqan ay soo wajahday wal wal, iyaga oo ka baqaya in dushooda lagu dagaallamo.
Ciidamo badan oo katirsan Beesha Biimaal ayaa la sheegay in meel duleedka ka ah Buulo Mareer ay soo buux dhaafiyeen, waxaana dadka ay ka baqayaan in Magaalada uu Dagaal ka qarxo.
Isku socodkii Shacabka ee Degmada Buulo Mareer ayaa yaraaday, waxaana Dadkii tirada yaraa ee awal ku haray Magaalada ay isku diyaarinayaan sidii ay halkaasi uga bixi lahaayeen.