Qaxooti Siiriyiin ah oo la yiraahdo Mahmoud Bitar oo ku nool dalka Swedan ayaa barnaamij uu ka sameeyay nolosha Swedan iyo sida ay ka aaminsan yihiin dadka kale ee ku fikiraya inay yimaadaan una maleeyo in lacag iyo nolol taallo.
Barnaamijkan oo laga sii daayay BBC- ayaa wuxuu wiilkaani ku soo qaadanayaa sheekooyinka beenta ah iyo quraafaadka ay aaminsan yihiin ama laga dhaadhiciyo dadka jecel in ay Yurub yimaadaan ama Swedan, isagoo muuqaalkiisa kusoo bandhigay lacag wadooyinka daadsan, nolol raaxo leh iyo fikrado kale oo dadka doonaya inay yimaadaan aaminsan.