Waxa jirtay dhawaan in Taliska AMISOM ee Soomaaliya ay qirteen ciidankooda qaar katirsan inay ka geysteen Xasuuq Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.
Waxa uu sheegay Maman Sidikou oo ah Madaxa Midowga Africa ee Soomaaliya inay ka war hayaan Seddex Askari oo AMISOM katirsan fal ka geysteen Xaflad Meher aheyd oo ka dhaceysay Magaalada Marka Cadeey bishii hore July dhamaadkeedii.
Xoghayaha Xisbiga Kulan Muxuyadiin Xaaji ayaa sheegay in war lagu farxo tahay AMISOM inay qirato ciidankeeda xasuuq ay ka geysteen Magaalada Marka.
Wasiirkii hore ee Wasaarada Gaashaandhiga Muxuyadiin Xaaji ayaa sheegay in ay ku baaqayaan Askarta Falkaasi geystay maxkamad la hor keeno sharcigana lagu qaado.