Madaxweynaha Dowladda Muqdisho, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreeysay tagay Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Baay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya Hogaamiyaha Maamul Goboleedka Seddaxda Gobol Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi ka tirsan labada golle ee Dowladda ayaa goordhow waxaa ay gaareen Magaalada Diinsoor.
Ciidammo aad u farabadan oo isagu jira kuwa AMISOM iyo Nabad-sugidda ayaa buux dhaafiyay waddooyinka iyo hareeraha Magaalada Diinsoor kuwaas oo sugaya ammaanka.
Saraakisha Ciidanka AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa ku soo dhawaayay Magaalada Diinsoor.
Booqashada Diinsoor ee Madaxweynaha Dowlada Muqdisho, Xasan Sheekh Maxamuud waxaa la sheegay inay qayb ka tahay safarro uu ku tagayo Degmooyinka muhiimka ah ee Al-Shabaab dhawaan laga saaray.