Waxa maanta barqadii lagu soo bandhigay Degmooyinka Waajid iyo Xudur ee Gobolka Bakool Meydadka rag la sheegay inay ahaayeen Kooxda Al Shabaab.
Saraakiisha ciidanka dawlada Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in meydadka lasoo bandhigay ahaayeen Maleeshiyaad udagaalamayey Ururka Al Shabaab oo lagu dilay dagaal ka dhacay Tuulada Kulan jireed la yiraahdo saacadihii lasoo dhaafay.
Aadan Cabdi oo ah gudoomiye kuxigeenka Degmada Xudur ayaa wareysi uu siiyey Warbaahinta waxa uu ka gaabsaday dhinacooda khasaaraha kasoo gaaray dagaalkii ay Al Shabaab la galeen.
Inta badan dagaalka Al Shabaab iyo Ciidanka dawlada Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa AMISOM lama ogaado khasaaraha rasmiga ah maadaama la qariyo waxyeelada soo gaarto.