Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kormeeray Xabsiga weyn , Xerada siinaay , ciidanka kamaan doosta ee Garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf iyo Hotel Kaah ee magaalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug.
Kormeerka ayaa waxaa madaxweynaha ku wehliyey qaar kamid ah Golaha xukuumadda Puntland, Saraakiil katirsan madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.
Ugu horeyn Madaxweyne Gaas ayaa kormeeray Xabsiga weyn ee magaalada Gaalkacyo , waxaan halkaas salaam sharaf uu kaga qaatay cutubyo katirsan ciidanka asluubta Puntland, isagoona xaalada xabsiga warbixin ku saabsan ka dhagestay saraakiisha maamusha.
Waxaana uu sidookale qol qol ugu tagey maxaabiista ku xiran xabsiga, halkaas ayuuna madaxweynhu su’aalo ku weydiiyey maxaabiista , isagoona u kuurgalayey xaaladahooda iyo waxa ay ku suganyihiin.
Madaxweynaha ayaa amray in maxbuuskii aan si sharci ah u xirneyn si deg deg ah loogeeyo maxkamadd , loona qabto qareeno u dooda, hadii dambi lagu helana dib xabsiga loogu celiyo kii lagu waayana xoriyadiisa dib loo siiyo.