Xukuumada Austria,ayaa sheegtay in seddex qof lagu xiray dalka Hungary,ka dib markii meydadka 71-ruux laga helay gaari xamuul ah oo la dayacay.
Booliska Ausria ayaa horay u sheegay in tirada dhimashada u dhaxeysay 20 ilaa iyo 50,laakiin Wasaarada arimaha gudaha dalkaasi ayaa goor danbe soo saartay in meydadka laga helay gaariga xamuul ee la dhigay wada dhinaceeda ay gaarayaan 71-ruux.
Sidoo kale,Saraakiil ka tirsan Booliska ayaa xusay in seddexda qof ee xiran ay mas’uul ka yihiin geeridan dadkaan iyo dadka Qaxootiga ee sida sharcidarada ah Yurub uga galaya.
Gaariga Xamuulka ah oo maalintii shalay la helay ayaa ku sii jeeday Austria,kana yimid dalka Hungry.
Dadkaan dhintay ayaa dhamaantooda lagu sheegay inay ahaayeen Qaxooti doonayay iney Yurub galaan.