Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Siyaasadda iyo amniga ee Degmada Xudur ee Gobolka Bakool, Mustaf Aadan Xuseen oo la hadlay Shabakada Muurinews.com
ayaa faah faahin ka bixiyay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay Dagaal yahano ka tirsan Al Shabaab kaga Dileen Dagaalo ka dhacay Degaano hoostaga Degmadaasi.
Guddoomiye Mustaf ayaa tibaaxay in dhankooda aanu wax khasaaro ah ka soo gaarin Dagaalkaasi hase ahaatee dhanka Al Shabaab ay ka Dileen sida uu hadalka u dhigay 10 ka mid ahaa Dagaal yahanada Al Shabaab.
Dhinaca kale, ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Ururka Al Shabaab oo ku aadan in Dagaalkaasi khasaaro dhimasho lagu gaarsiiyay.
Sikastaba ha ahaatee maalmihii ugu dambeeyay ayaa Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada Baay iyo Bakool waxaa ka socday howlgallo xoogan looga goolla haa sidii Al Shabaab looga saari lahaa Goboladaasi.